Home Wararka Maanta shaqaale u Badnaa Taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo oo maantay loo Diiday inay Galaan...

shaqaale u Badnaa Taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo oo maantay loo Diiday inay Galaan Madaxtooyada Soomaaliya

0

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in saakay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya loo diiday in ay galaan qaar kamid ah xooggaga wadaniyiinta loo yaqaan uu aas aasay Madaxweyne Farmaajo.

Xooggaga wadaniyiinta ah ayaa ah koox si weyn u taageersan Madaxweyne Farmaajo oo mushaar laga siin jiray madaxtooyada, waxaana kooxdan oo isugu jirtay dhoor qeyb, kuwaa oo qaarkood xafiisyo ku lahaayeen xarunta Madaxtooyada.

Albaabada laga soo galo xarunta Madaxtooyada ayaa la dhigay warqado ciidamada lagu amrayay in aysan soo deyn karin cid aan aheyn shaqaalaha rasmiga ah ee Madaxtooyada , waxaana la diiday in lagu soo galo madaxtooyada aqoonsiyada xoogga wadaniyiinta iyo kuwa kale oo Villa Soomaaliya u sameesay taageerayaashooda.

Ciidamada ilaalada madaxtooyada ayaana fuliyay amarka la siiyay, waxa ayna saakay celinayeen xooggaga wadaniyiinta iyo xubno kale ay yaqaanaan oo awwood badan ku dhax lahaa Villa Soomaaliya intii Farmaajo joogay.

Kaararka aqoonsiga ay bixiso Villa Soomaaliya ayaa la siiyay shaqsiyaad badan oo taageero u ahaa Farmaajo, waxaana maanta albaabkooda soo xirmay dad badan oo guulwadeyn ku shaqeenayay shantii sanno ee lasoo dhaafay.

Shaqaalaha rasmiga ah ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in maalmaha soo aadan isbadal lagu sameeyo loona wareejiyo qaarkood xafiisyo kale oo dowladeed si ay uga shaqeeyaan.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa inta badan isbadalada ka dhaca saameyn badan ku yeesha shaqaalaha iyo dad kale oo awwood ku lahaa, waxaana albaabada Madaxtooyada u furmaan dad kale oo dibad joog ahaa oo iyana soo raaca nidaamka cusub ee la wareega.

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Ad
Previous articleDeg Deg: Shaqa joojin lagu Sameeyey Wasiirka Arimaha Dibada DF Soomaaliya
Next articleMadaxweyne Xasan shiikh oo Xil Sare u Magacaabay Cabdiraxmaan C.shakuur