Home Wararka Maanta Mooshin Culus oo Ka dhan ah laftagareen oo Bilowday Xili Farmaajo Laga...

Mooshin Culus oo Ka dhan ah laftagareen oo Bilowday Xili Farmaajo Laga Adkaaday

0

Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, isla-markaana laga soo doortay Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi iyo abaabul ka dhan ah Lafta Gareen oo ka socdo Muqdisho.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo Baydhabo kula hadlay Wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in dad ka mid ah Digil iyo Mirifle ay wadaan qorshe lagu burburinayo maamulka Koonfur Galbeed, isla-markaana lagu beegsanayo Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen.

Xildhibaankan oo Sodog u ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in xubnahaasi oo ay ku jiraan siyaasiyiin & xildhibaano ay doonayaan in meesha laga saaro Lafta Gareen.

“Madaxweynaha haddii la doortay dad annaga naga mid ah Digil iyo Mirifle ka mid ah ayaa system waxay wadaan inay burburiyaan maamulka inta ka jira maamul la burburiyeyna waxa uu leeyahay waa kaseynaa dhibaatuu leeyahay,” ayuu yiri Mahad Cabdiraxmaan.

Sidoo kale wuxuu raaciyey “Maamulka Koonfur Galbeed oo jiro waqtigiisii waa dhamaadee ha is casilo meesha haka tago waxaa fiican ninka meesha haddii uu ka tegaayo marka uu waqtigiisa uu dhammeysta lee sidii kii hadda loo tartamay ayaa nidaamku ku fiican yahay”

Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta ayaa xusay inay kasoo horjeedaan qorshahaasi, wuxuuna tilmaamay inay la dagaalami doonaan cidkasta oo wada sharci darro.

“Ninkii rabo ninkan inuu galo oo weeraro waqtigiisa marka uu dhammado ha eryo intii ka horreyso looma dhowaan karo ninkii u yimaadana waa la dagaalameynaa micnuhuna waa saas,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

 

 

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay

Duulaan ka Dhacay Duleedka Xudur oo Khasaaro lagu Gaarsiiyay Kooxda Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska guutada 9-aad ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur ee

Xamsa Cabdi Barre oo Shacabka ugu Baaqay in loo Midoobe Dagaalka Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro Kooxda Al shabaab uu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda nabadda iyo

Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa

Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in
Ad
Previous articleTaliye Odowaa Yuusuf Raage oo Ceebwayn kala Kulmay Xilwareejintii Shalay ee Madaxweynaha Soomaaliya
Next articleSacuudiga oo Xayiraad Kusoo Rogtay Soomaaliya