Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa gebi ahaanba joojiyay galitaanka ama bilaabada dhaqan-galinta heshiisyada dheef-wadaaga, inta lagu guda jiro xilliga doorashada.
“Heshiisyada (Concession Agreements) ee ay hay’adaha Dowladdu galeen wixii ka dambeeyay intii ay bilaabatay doorashada guud ee dalka ee weli fulintooda aysan bilaaban, waxaa lagu wargalinayaa in aan la bilaabi karin fulin heshiisyadaas illaa laga soo gaba-gabeynayo doorashada, dalkana uu ka yeelanayo xukuumad cusub,” ayaa lagu yiri qoraalka.
“Waxaa xukuumadda cusub ee xilka la wareegi doonta doorashada kadib iyo Labada Aqal ee Baarlamaanka kula talinaynaa in dib u eegis lagu sameeyo heshiisyadaas, maadama ay saameyn ku leeyihiin hantida iyo horumarka Umadda Soomaaliyeed, iyo habsami u socodka nidaamkeena dawliga ah ee hadda soo kabanaya.”
Hanti-dhawrka ayaa ka dalbaday hay’addaha galay heshiisyada kadib intii ay bilaabatay doorashada guud ee dalka inay macluumaadka heshiisyadaas ay u soo gudbiyaan xafiiska Hanti-dhawrka Guud afar maalmood gudahood ah.
Ugu dambeyntii waxa qoraalka lagu sheegay in hay’addii dowladeed ee gasha ama fulisa heshiiysada uu ka digay Hanti-dhawrka Guud, khasaaraha ka dhashay ay mas’uuliyadooda qaadi doonaan mas’uuliyiinta ku saxiixan ama fuliyay iyo dhamaan shaqsiyaadka kale ee kala shaqeeyay arrintaas.