Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wasiirkii Hore ee Amniga Dowlada Soomaaliya oo Goordhow Xildhibaan Loo Doortay

Wasiirkii Hore ee Amniga Dowlada Soomaaliya oo Goordhow Xildhibaan Loo Doortay

0

Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuukar Islow ayaa markale loo doortay xildhbaan golaha shacabka kadib markii uu ku guuleystey doorasho caawa ka dhacday magaalada Jowhar.

Islow Ducaale ayaa waxaa la tartamayay Musharax Cabdulaahi Nuur Maxamed oo markii dambe tanaasulay waxana uu ku soo baxay cod gacan taag ah.

Kursigan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku yimid dib u dhac kadib markii uu khilaaf ka dhashay guddiga soo xulaya ergooyinka,hase yeeshee dadaal dheer kadib lagu guuleystey in la soo afjaro khilaafka.

Waxaa wararka ka imanaya magaalada Jowhar ay sidoo kale sheegayaan in caawa ay ka dhici doonto kursigii ay hore ugu fadhiday Aamino Maxamed Cabdi oo qarax ku dhimatay.

Kursigan caawa ee HOP135 ayaa noqon doona kii ugu dambeeyay ee doorashada kuraasta Hirshabelle inkastoo hore guddiga doorashooyinka ay u sheegeen in lagu celinayo kursigii uu magaalada Beledweyne ka soo qaatay Fahad Yaasiin

Ad
Previous articleHanti-dhawrka Qaranka oo go’aan culus soo saaray
Next articleWararka ugu Danbeeyay Dagaalka Ruushka ee Ukraine, 6 May

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here