Home Wararka Maanta Alshabaab oo ku Goodisay in ay Weerari doonaan Wadanka Jabuuti

Alshabaab oo ku Goodisay in ay Weerari doonaan Wadanka Jabuuti

0

kooxda Alshabaab ayaa ku baaqay hawlgallo ka dhan ah danaha Faransiiska iyo Mareykanka ee Jabuuti ka hor doorashooyinka madaxweynenimo ee dalkaas ka dhacaya 9 Abriil 2021.

Hadalkaan waxaa sheegay hoggaamiyaha kooxda Alshabaab Axmed Cali Diiriye Abuu Cubayda oo jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlayay kaalinta Jabuuti kaga jirto dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Hoggaamiyaha Alshabaab Abuu Cubayda ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Jabuuti iyo Faransiiska, isagoo sheegay inay isku bahaysteen dagaalka muslin nacaybka waa sida uu hadalka u dhigay.

Bishii May ee sanadkii 2014, Alshabaab ayaa weerarkii ugu horeeyay oo ismiidaamin ah ka geystay magaalada Jabuuti, iyagoo beegsaday xarumo ay iskugu yimaadaan dadka Ajnebiga ee dalkaas ku dhaqan.

Weerarkaas oo ay fuliyeen labo qof oo nin iyo xaaskiisa ah, ayaa waxaa ku dhintay saddex qof oo labo kamid ah ay ahaayeen ismiidaamiyaasha iyo dhaawaca 11 kale.

Alshabaab waxay weerarkaas ku tilmaameen inuu qeyb ka ahaa dagaalka  ka dhan ah reer galbeedka ka soo horjeeda Islaamka.

Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug

Caalamka:- Dowlada Sacudiga oo 14 Dal African ah ka joojisay Visa Cumrada

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo

Donald Trump oo Shaaciyay Hadalo Hanjabaad ah oo ku socda Iiraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad
Previous articleDowladda Ingiriiska oo ka hadashay Shirarka Muqdisho uga socda Madaxda Dowlad Gobaleedyada dalka
Next articleWafdi ka socday Dowladda imaaraadka Carabta oo Loo diiday inay ku degaan Garoon ku yaala Gobalka Mudug