Home Wararka Maanta Xarunta Villa Hargaysa oo Xoog looga Saaray Shaqaalihii Baarlamaanka Soomaaliya

Xarunta Villa Hargaysa oo Xoog looga Saaray Shaqaalihii Baarlamaanka Soomaaliya

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay xarunta Villa Hargeysa oo ah xarun ay ku shiraan xubnaha Golaha Shacabka, kadib markii ay gudaha u galeen ciidan Boolis ah.

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka hadlay dhacdadan ayaa ku baahiyey bartiisa Twitter-ka in taliyaha ciidamada Booliska iyo askar ka socota Villa Soomaaliya ay xoog ku galeen Villa Hargeysa, ayna ka saareen shaqaalihii iyo guddiga ku howlanaa doorashada.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa tallaabadan ku macneeyey mid lagu hor istaagayo doorashada gudoonka Golaha Shacabka, isla-markaana lagu cabsi galinayo howl-wadeennada iyo guddiyada diyaarinaya doorashadaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxaya dhinaca Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ku aadan falkaas iyo eedeynta loo jeediyey intaba.

Dhowaan ayey aheyd markii la shaaciyey in sababo amni darteed doorashada guddoonka Golaha Shacabka looga wareejiyey Villa Hargeysa oo ay ka dhaceen falal amni darro.

Ad
Previous articleWararkii ugu danbeeyey ee Doorashada Aqalka Sare
Next articleKooxda Nabad iyo Nolol oo Shaacisay Cida ay Taageersantahay inay Kusoo Baxdo Gudoonka Aqalka Sare