Inta la xaqiijiyay afar qof oo rayid ah ayaa ku dhintay qarax lala eegtay gaari uu leeyahay xoghayaha degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho kaasoo marayay meel suuq ah oo isla degmada ka tirsan una dhow Xarunta degmada.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkeen dad dhintay iyo kuwa dhaawaca oo goobta laga qaadayo markii uu qaraxu dhacay kadib.
Qaraxa oo ahaa nooca hareerraha wadooyinka la dhigo ee meelaha fog laga hago ayaa waxa ka badbaaday qofka la doonayay xoghayaha degmada Dayniile Mahad Sharaawe, balse waxa halkaas kaga dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ilaaladiisa.
Isla degmada Daynniile qarax kale oo ah nooca waddada hareerraheeda la dhigo ayaa lagu weerarray gaari marayay agagaarka xerada Damaanyo oo ku taal dhabarka dambe ee Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, balse lama soo sheegin wax khasaare ah oo qaraxaasi uu dhaliyay.
Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada saaka ka dhacay degmada dayniile balse weerarrada noocan ah ayaa waxaa inta badan sheegta Ururka Al-Shabaab.
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni
In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday