Qaraxyo lala beegsaday xarumo waxbarasho oo ku yaalla magaalada Kabul ee dalka Afghanistan ayaa lagu dilay ugu yaraan lix qof, oo ay ku jiraan arday iyadoo ay ku dhaawacmeen 17 kale.
Qaraxyada ayaa ahaa kuwo ismiidaamin ah sida uu sheegay afhayeenka booliiska Kabul Khalid Zadran, waxaana Isbitaalada xaaladaha degdega ee magaalada la geeyey Qaar badan oo ka mid ah dadka dhaawacmay oo ku jiray xaalad halis ah.
Qaraxyada ayaa ka dhacay dugsiga sare ee Abdul Rahim Shaheed Shaheed iyo meel u dhow Dugsiga Hoose ee Hooyooyinka oo dhowr kiilomitir isku jira, waxaana weerarkan cambaareeyey maamulka Taliban.
Inkastoo aysan jirin weli koox sheegatay weerarkan haddana Kooxda dowlada Islaamiga ee loo yaqaan ‘Khorasan’, ama IS-K, ayaa horay u bartilmaameedsaday iskuulada gaar ahaan xaafadaha Shiito Dast-Barchi. Bishii May ee sanadkii hore, bilo ka hor inta Talibanku awooda la wareegin in ka badan 60 carruur ah, oo ah gabdho u badnaa ayaa lagu dilay weeraradaas.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay
Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka