Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka bilaabaneyso diiwaan gelinta musharixiinta u taagan xilka gudoonada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ay soconeyso ilaa 22-ka bishan sida guddiga doorashada gudoonka baarlamaanka ay sheegeen.
Gudaha baarlamaanka waxaa durba ka bilowday olole culus oo ay sameynayaan musharixiinta, waxaana durba ku dhawaaqay musharaxnimadooda dhowr qof oo u taagan xilalka gudoonka labada aqal ee baarlamaanka, iyadoo dadka sharaxan ay Dumar ka tahay wasiirka gargaarka Khadiija Maxamed Diiriye oo u tartameysa gudoomiye xigeenka koowaad ee golaha shacabka.
Marka ay diiwaan gelinta dhamaato, 24-ka April ayaa la qorsheeyey in la qabto hadal jeedinta musharaxiinta guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka, 25-ka ilaa 26-ka bisha waxaa la siiyey fursad ay xubnaha guddigu isugu diyaariyaan doorashada guddoonka golaha shacabka oo la qorsheeyey inay dhacdo 27-ka bishaan April, halka mida aqalka sare ay maalin kahoreyso oo ay dhaceyso 26-ka bisha.
Shuruudaha Musharixiinta laga rabo oo dhameystiran, ayaa waxay kala yihiin;
Aqoonsiga Xildhibaanka (ID Card)
Arjiga caddeynta Musharaxnimo
Taariikh nololeedka Musharaxa (CV)
Labo Sawir
Warqadda cadeynta lacag qabashada Bangiga Dhexe
Balan-qaadka u hogaansamridda natiijada doorashada
Foomka diiwaan-gelinta Musharaxa
Foomka soo-joodinta Musharaxnimada