Home Wararka Maanta Midowga Afrika oo baddelaya Wakiilkooda Soomaaliya ee Madeira oo ay ceyrisay XFS.

Midowga Afrika oo baddelaya Wakiilkooda Soomaaliya ee Madeira oo ay ceyrisay XFS.

0

Howlgalka KMG ah ATMIT ee lagu baddelay AMISOM ayaa la kowsaday jahwareer siyaasadeed oo ka dhex dhashay Wakiilkii Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira iyo Xukuumadda Federaalka kaddib markii uu faraha la galay howlo ka baxsan waajibaadkiisa.

Muranka diblumaasi ayaa gaaray heer xaanshiyo iska soo horjeeda ay soo kala saaraan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo Villa Somalia, Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa sheegay in Madeira uu sii wadanayo shaqadiisa.

Go’aanka Musa Faki ayaa dhaliyay in Xukuumadda Soomaaliya ay Dal ku galka kahor istaagto Danjire Madeira halka Diyaaradaha iyo waaxda amniga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Qaabilsan ay Wasaaradda Amniga XFS ku wargelisay in uusan dalka soo gelin.

Wargeyska The East African oo soo xiganaya Diblumaasiyiin si dhaw ula socda arrintaan ayaa sheegay in Midowga Afrika uu baddelayo maalmaha soo socda Danjire Madeira si hoos loogu dhigo xaaladda siyaasadeed ee ka dhalatay eryidda Danjiraha.

XFS ayaa Madeira ku eedeysay in uu faraha la galay arrimo ka baxsan howlaha loo igmaday sida in uu dhaleeceen caddeyn la’aan ah u jeediyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxdii hore ee Dalka, Dowlad-Goboleedyada Jubbaland & Puntland.

Cod laga duubay Francisco Madeira ayaa ku faafay Baraha Bulshada, taasi waxa ay hoos usii dhigtay rejada uu lahaa dib ugu soo laabashada Muqdisho si uu ula jaanqaado howlgalka ATMIS ee lagu baddelay AMISOM.

Francisco Madeira ayaa xilkaan loo magacaabay 2015kii, waxa uu la wareegay janaayo 2016kii, howshaan kahor Danjirahaan u dhashay Mozambique waxaa hayay Maman Sambo Sidikou oo dhalashadiisu tahay Nigeria.

Ad
Previous articleLix Musharax oo u Tartamaysa kursiga HOP106 oo Shahaadada Qaatay(Sawiro)
Next articleSacuudiga oo Si kulul Ug Hadalay weerarkii Israail ku qaaday Masjidka Barakeesan ee Al Aqsaa,