Home Wararka Caalamka Sacuudiga oo Si kulul Ug Hadalay weerarkii Israail ku qaaday Masjidka Barakeesan...

Sacuudiga oo Si kulul Ug Hadalay weerarkii Israail ku qaaday Masjidka Barakeesan ee Al Aqsaa,

0

Boqortooyada Sacuudiga ayaa si kulul u cambaareesay weerar shalay oo jimco ah ciidamada Israa’iil ku qaadeen gudaha Masjidka Barakeesan ee Al Aqsaa, waxaana weerarkaasi khasaaro badan kasoo gaaray muslimiintii masjidka ku cibaadeesaneysay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in ay cambaareenayaan weerarka gardarada ah ee ciidamada Israa’iil ku qaadeen masjidka  Al Aqsa, waxa ayna Sacuudiga ciidamada Israa’iil ku timaameen kuwa arxan daran oo gumeysi ah.

Sacuudiga ayaa sheegay in Duullaanka ciidamada Israa’iil uu yahay mid xadgudub ku ah qaraarada iyo axdiga caalamiga ah ee quseeya dhulalka barakeesan ,waxa ayna ciidamada Israa’iil ugu baaqeen in ay joojiyaan gardarada iyo dhibaatada shacabka ku hayaan.

Sacuudiga ayaa sidoo kale ugu baaqday waddamada caalamka in ay doorkooda ka ciyaaraan sidii ciidamada Israa’iil dusha uga saari lahaayeen masuuliyadda cawaaqib xumada ka dhalata weerarka gardarada ee lagu qaatay masjidka Al Aqsaa.

Warkan kasoo baxay Sacuudiga ayaa imaanaya xilli shalay ciidamada Israa’iil xoog ku galeen masjidka Al-Aqsaa, waxa ayna ciidamada gudaha masjidka ku dhaawaceen in ka badan 150-qof oo Falastiiniyiin ah oo masjidka ku sugnaa.

Ad
Previous articleMidowga Afrika oo baddelaya Wakiilkooda Soomaaliya ee Madeira oo ay ceyrisay XFS.
Next articleGudoomiyaha KMG oo ka hadlay qorshaha kulanka Baarlamaanka oo maanta yeelanaya fadhigoodii koobaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here