Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Madaxweynihii hore ee Hirshabeele oo Ka Digay In La Fasaxo Kursiga Fahad...

Madaxweynihii hore ee Hirshabeele oo Ka Digay In La Fasaxo Kursiga Fahad Yaasiin

0

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay khilaafka hareeyey natiijadii la diiday ee doorashada afar kursi oo seddax laga soo doortay Koonfur Galbeed iyo kursigii uu Beledweyne ka soo qaatay Fahad Yaasiin.

Waare ayaa ku taliyey in wax kasta hadii ay dhacaan aan la fasixin kursiga Fahad Yaasiin uu soo qaatay ee HOP#086, kaas oo sida uu sheegay horseed u noqon kara in dowladnimada dadka lagu sii dulmiyo.

“Kursigaasi eed badan ayuu qabaa, dhaawac, dil, qarax, dad la ilhaaneystay iyo ciidan la isku adeegsaday ayuu qabaa kursiga HOP#086, wuxuuna calaamad u yahay siyaasadda ah waan kaa xoog badanahay, saan rabo ayaana kaa yeelayaa,” ayuu yiri Waare.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle ayaa intaas ku sii daray, “Iyadoo qarax ka dhacay Beledweyne oo dhaawaca iyo meydku banaanka yaallaan ayaa kursigaas la boobay, waxaa la yaqaan dadkii codeeyey cidda ay yihiin, hadii la fasaxo kursigaas waxay ka dhigan tahay inaan aqbalnay wax dadka Soomaaliyeed ku kala tegi karaan oo walaalnimada iyo islaanimada aan ku jirin.”

Waare ayaa sheegay in beesha kursigaas iska leh ee reer Aw-Xasan ay tahay culumo reer Hiiraan ay aad u jecelyihiin, “Waxaan is qabadsii la’ahay dadka kursigaas iska leh dhaqankooda suuban ee soo jireenka ah, hadana waxaan arkay odayaal dhahaya kursigaas nagaa leh anagaana bixinay, walaalayaal dhaqanka ninka kursigaas soo qaatay dhaqankiinii maaha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Waare.

Dhanka kale Madaxweyne Waare ayaa soo jeediyey in seddaxda kursi ee Koonfur Galbeed 3 sababood dartood in la fasaxo, kuwaas oo kala ah:

 

 

– Doorashadaan waxay lamid tahay tii Imbagaati, xilligaas oo ujeedadu ay aheyd war baarlamaan la’aan ayaa ka darane, waxay doonaan hanoqdaane wax un hala soo saaro, dhibkii ka dhacay wadanka oo dhana waa laga war qabaa.

2 – Isku tanaasul ayaa wax lagu soo waday, laakiin hadda lama dhihi karo kooramkii waa buuxsamay, waana laga maarmaa inta maqan, runtii waqtigaas lama gaarin, hadii cid laga tegaa faa’iido lagu gaaray reer waqooyi ayaa naga maqan.

3 – Habraaca lagu eedeeyey natiijada doorashada, sidee 3 kursi uga duwan yihiin doorashooyinkii ka dhacay gobollada kale? Waxaan qabaa in sababta loo beegsaday kuraastaas ay tahay inay ugu horeeyeen doorashada oo markaas rajo laga qabay in doorasho xalaal ah la qabto, laakiin hada wax ka daran ayaaba dhacay.

“Sidaas darteed, anigoo daliishanaya seddaxdaas sababood, waxaan qabaa in kuraasta Koonfur Galbeed la fasaxo, Rooble waxaan leeyahay ha isku qaban arrimahaan isma lahane oo iska fasaxa kuraasta 3-da ah,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo iska Diiday Dalab uga Yimid Beesha Caalamka ee Kuraasta Gobalka Gedo
Next articleDarawalkii Waday Baabur ay Qaraxyo Ku Soo Rareen Alshabaab oo Dhuusamareeb lagu Dilay