Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa Howlgal Qorsheysan oo Xalay ay ka fuliyeen Boholaha Godyaanyo oo ka tirsan Deegaanka Qararow Ee Koonfurta Gobolka mudug waxay ku Burburiyeen Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay kaasi oo Maleeshiyaadka Alshabaab doonayeen iney ku dhibaateeyaan bulshada Deegaanka.
Saraakiisha Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka Qararow ayaa u xaqiijiyay mudug24 inay Howlgalkaan Xalay Saqdi dhexe uu dhacay waxay Intaasi ku dareen In Maleeahiyaadkii damacsanaa dhagarta lagu dilay Hawlgalkaas.
Wararka aya intaasi ku daraya in shabab ay xarardheere ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan , iyagoo qirsheynaya in weeraro toos ah iyo kuwa gaadmo ah ay ka geystan deganada Galmudug
Lamaha amaanka oo saaka lala xiriiray aya ka gaabsaday qasaaraha labada dhinac in ay faah faahiyaan
Sikasta ha ahaatee arintan aya salka ku hysa arimo culus , waxaana hada ay shabab soo bandhigayaan awooda ay ku leeyihiin gobalka mudug halka madaxda maamulka galmudug ay wali indhaha ka xiranayaan wax ka socda gobalka mudug