Home Wararka Maanta Xildhibaano caan ah oo Maantay qaatay Shahadada

Xildhibaano caan ah oo Maantay qaatay Shahadada

0

Xarunta guddiga hirgelinta doorashada heer federaal waxaa wali ka socota qaadashada shahaadada xildhibaanimo, xilli ay hada gabogabo sii mareyso muddadii loo qabtay shahaado bixinta .

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa saakay kamid noqday xildhibaanada gollaha shacabka ee qaatay shahaadada xildhibaanimo, waxaa sidoo kale qaatay shahaadada Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud.

Guddiga doorashada heer federaal ayaana shalay shaaciyay liiska magacyada 193-xildhibaan oo katirsan baarlamaanka labada aqal oo qaatay shahaadada xildhibaabino, waxaana maanta iyana la filayaa in tiro kale oo xildhibaano ah qaataan shahaadada.

Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo xildhibaanada ku dhaw dhaw Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaan wali qaadan shahaadada xildhibaanimo, waxa ayna xildhibaanadaasi kasoo horjeedaan afarta Xildhibaan ee dib loo celiyay doorashadooda.

Ad
Previous articleWararka ugu Danbeeyay Dagaalka Gobolka mudug ku dhexmaray Ciidanka Galmudug iyo Shabaab
Next articleGuddiga Doorashada Soomaaliya oo shaaciyay in xildhibaanada la diiwaan galiyay ay gaareen 200 oo xildhibaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here