Ciidanka Booliska Somalia ayaa sheegay iney caawa toogteen nin hubeysan oo ka tirsanaa Al shabaab kaasoo dil u geystay askari ka tirsan Ciidanka dowlada hoose oo ku sugnaa degaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho.
“Caawa oo Taariikhda tahay 06-04-2022 Abaaro 6:30 maqribnimo waxaa weerar lagu soo qaadey Askari Minishiibiya ah oo Joogay Deegaanka Garasbaaley gaar ahaa waaxda 3aad ee Geedi Ferdhiye.
Booliska ayaa intaas ku daray goobtii lagu diley Askarigii  Minishiibiyada ahaa, isla markaana Ciidamo Boolis oo Goobta ku dhowaana ay isla goobtii ku dileen Mid ka mid ah dableydii weerarkaas fulisay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in meydka nin ay toogteen Booliska uu weli yaallo goobtii lagu dilay, iyadoo dadka degaanku sheegeen ineysan bar garaneynin, uuna ka yimid xaafado kale.