Home Wararka Maanta Deg Deg: Alshabaab oo Caawa ka Hadashay Warkii Kasoo Baxay NISA kuna...

Deg Deg: Alshabaab oo Caawa ka Hadashay Warkii Kasoo Baxay NISA kuna inkirtay…..

0

Xarakada Al-Shabaab ayaa iska fogeysay shirqoolka lagu sheegay qoraalkii kasoo baxay hay’adda NISA ee ahaa in kooxdan ay beegsaneyso madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Qoraalka oo lasoo dhigay barta ay NISA ku leedahay twitter-ka ayaa lagu yiri“Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh.”

Si kastaba, sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta taageerta kooxda, ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray NISA, isaga oo sheegay in NISA aysan awood u laheyn inay ogaato howlgal ay Al-Shabaab ku beegsaneyso mas’uuliyiinta dowladda.

“Waa wax aad loogu qoslo runtii. NISA waxay ogaan waysay markii aan mas’uuliyiinta iyo saraakiishooda xafiisyada iyo xarumahooda ugu dhacaynay. Waxay ogaan waayeen markii aan Yariisoow xaruntiisa isagoo shir kula jira xubnaha maamulkiisa ku beegsanay, waxay ogaan waaweeyn markaan isbuucii hore Xalane u dhacnay. Ma garan karo halka ay ka keeni karaan awoodda ay ku ogaan karaan hawlgal aan ku beegsanayno labada nin ee ugu tunka weyn dowladda,” ayuu yiri sarkaalka lasoo xigtay oo aan la magacaabin.

“Waxaan kuu xaqiijinayaa in aysan nimankaasi laheyn awooddii iyo kartidii ay qorshayaasheena ku ogaan lahaayeen,” ayuu ku daray.

Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay inuusan haba yaraatee jirin nin lagu magacaabo Maxamad Maahir oo ka tirsan Al-Shabaab, iskaba dhaaf inuu yahay sarkaal sare oo u xilsaaran khaarijinta Rooble iyo Farmaajo.

Waxa uu intaas ku daray in hadalka kasoo yeeray NISA uu muujinayo inay dhibaato ka dhex jirto dowladda, islamarkaana, sida uu hadalka u dhigay NISA “diyaarisay qorshe ka dhan ah qaar ka tirsan madaxda ugu saereysa dowladda.

“In kasta oo ay madaxda iyo saraakiisha dowladduu mar walba bartilmaameed noo yihiin hadana ma aqbalayno in ay dhibaatooyin dhexdooda ah annaga nala soo doontaan,” ayuu yiri.

Jawaabta Al-Shabaab ayaa sii kordhineysa tuhunka ka dhashay qoraalka oo siyaasiyiin badan ay ku macneeyeen hanjabaad toos ah oo ka dhan ah ra’iisul wasaare Rooble.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWar Deg Deg Ah: Beesha caalamka oo War ka soo saartay doorashada iyo xaalada Siyaasadeed ee dalka
Next articleMaxaa ka Jira Taliyihii Ciidamada Amniga Rooble oo Qaraabo la ahaa Farmaajo in Xilka Laga Qaaday(Akhriso)