Home Wararka Maanta Maxaa ka Jira Taliyihii Ciidamada Amniga Rooble oo Qaraabo la ahaa Farmaajo...

Maxaa ka Jira Taliyihii Ciidamada Amniga Rooble oo Qaraabo la ahaa Farmaajo in Xilka Laga Qaaday(Akhriso)

0

Taliyihii ciidanka Amniga Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble G/lle Maxamed Jaamac Codey ayaa la sheegay inuu xilka iska casilay.

G/lle Maxamed Jaamac Codey ayaa warqadiisa iscasilaada u gudbiyey taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Odowaa Yuusuf Raage sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo u waramay Mudug24.

Wararka ayaa sheegaya in taliyaha xilka ka dagay uu safar dibeda ah ugu ambabaxyo koorso Waxbarasho oo u soo baxday sababtaasna ay tahay mida uu shaqada iskaga casilay.

Ilo wareedyo ka tirsan xafiiska RW Rooble oo la hadlay Mudug24 ayaa beeniyey wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in G/lle Maxamed Jaamac Codey oo ay isku heyb yihiin Madaxweyne Farmaajo shaqada laga eryey markii laga shakiyey.

“Markii xilka loo magacaabay G/lle Codey wuxuu go’aansaday inuu askartii taliyaha looga dhigay ka saaro jahliga, wuxuuna u sameeyay Macalin waxbara si ay u noqdaan askar aqoonyahan leh. Wuxuu ka tagayaa askar dhan walba ka dhisan oo wax qora waxna aqriya.  Wuxuu ahaa sarkaal sxb la ah ciidankiisa, dhex seexda, la cunteeya baahidoodana ka warqaba” ayuu yiri howlwadeen ka tirsan xafiiska Rooble.

Taliyaha cusub ee ciidanka ilaalada Ra’iisul Wasaaraha ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdi Yare oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Madaxtooyada.

G/lle Maxamed Jaamac Codey
Ad
Previous articleDeg Deg: Alshabaab oo Caawa ka Hadashay Warkii Kasoo Baxay NISA kuna inkirtay…..
Next articleBaarlamaanka Sweden oo ka doodaya joojinta tamarta laga keeno Ruushka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here