Talaadadii, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa ku eedeysay Ukraine inay soo saartay muuqaal been abuur ah oo dad rayid ah lagu dilay Moshchun, oo qiyaastii 20 KM waqooyi-galbeed kaga beegan Kyiv, ka dibna ay u gudbisay warbaahinta reer galbeedka.
Dhacdooyinka la midka ah ayaa hadda laga abaabulaya Sumy, Konotop iyo magaalooyin kale, ayaa lagu daray, laakiin iyada oo aan wasaaraddu soo bandhigin caddaynta eedeymaha.
Ukraine ayaa dhoor mar sheegtay in Ciidanka Ruushka ay tacadiyo ka geesteen Dalkeeda inkastoo aanan lasoo bandhigin cadeymo.
Ruushka ayaa dagaal ku qaaday Ukraine kaasi oo qaatay mudo ka badan bil iyadoo ilaa hada la gaarin heshiis dhab ah.