Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Laftagareen oo Xayiraad Kusoo Rogay Xildhibaanadii laga Soo Doortay Koonfurgalbeed

Laftagareen oo Xayiraad Kusoo Rogay Xildhibaanadii laga Soo Doortay Koonfurgalbeed

0

Xog ay heshay Warbaahinta Mudug24 ayaa sheegeysa in madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu xayiraad kusoo rogay xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanadaas.

Sida aan xogta ku helnay, Laftagareen ayaa amray in xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed ee ku sugan Baydhaba inaysan ku safri karin magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo ay ka socoto shahaado bixinta.

Laftagareen ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa inuu xildhibaano dhowr ah oo ku sugan Muqdisho ku amray inay dib ugu soo laabtaan magaalada Baydhaba.

Xildhibaanada qaar ee laga soo doortay Koonfur Galbeed ayaa qaatay shahaadada xildhibaanimo waxayna iska dhago tireen go’aanka uu Laftagareen ku diiday shaqada guddig doorashada ee heer Federaal, inkasta oo ay aad u kooban yihiin.

Lama ogo haddii xildhibaanada ku sugan Muqdisho ay aqbalayaan inay dib ugu laabtaan Magaalada Baydhabo, waxaana jiro warar sheegaya in xildhibaanada intooda badan ay diideen amarka Lafta-gareen, ayna suurta-gal tahay inay shahaadada qaataan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDeg Deg Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo NISA si Kulul u eedeeyay Rooblana udiray Fariin adag
Next articleWar Hada Ah: Sweden oo Ceyrisay Saddex Dublamaasi oo Ruushka ah