Kulanka waxa lagu magacaabay guddi heer wasiir ah oo wasaaradda caafimaadka
ka gacansiiya baahinta tallaalka civid-19 iyadoona la amray in gaadiidka dowladdu iney ka qeybqataan Gaarsinta talalka Covid19 guud ahaan deegaanada xorta ah ee Galmudug,
Sidoo kale Golaha wasiiradda ayaa boggaadiyey wasaaradda amniga iyo ciidamada badda Galmudug oo gacanta kusoo dhigay Dooni si-sharci daro ah uga kalumaysanaysay xeebaha gobolka Mudug.
Ugu danbeyn Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha ayaa faray dhammaan wasaaradaha inay dardargeliyaan adeegga ay bulshada u hayaan.
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay