Home Wararka Somaliya Puntland oo ku Hanjabtay inay ka Go’ayso Soomaaliya Hadii Lagu Heshiin waayo...

Puntland oo ku Hanjabtay inay ka Go’ayso Soomaaliya Hadii Lagu Heshiin waayo Doorashada dalka

0

Wasiirka Maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in qodob Dastuuriya uu Puntland xaq u siinayo in ay ka go’do Soomaaliya, haddii la waayo dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaam Federaal ah.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Abgaal oo ka hadlayay kulanka dhacay duleedka Garoowe, ayaa sheegay in Puntland aysan marnaba aqbali doonin wax ka hooseeya dowlad Soomaaliyeed oo Federaal ku dhisan islamarkaana ilaalisa wixii lagu heshiiyay.

“Haddii laga quusto nidaam dowladeed oo ku salaysan Federaal, kaas oo waxna la wadaago waxna la kala leeyahay markaa Puntland waxaa u furan inay ka go’odo dalka intiisa kale.”ayuu yiri Wasiir Abgaal.

Maamulka Puntland iyo dowlada federalka ayaa xiriirkooda gaaray meel aad u xun iyadoo Madaxweynaha Puntlnad Saciid Deni uu diidan yahay inuu ka qeybgalo shirka maamul goboleedyada iyo dowlada federalka isagoo ku xirey shuruudo.

Ad
Previous articleMadaxweyne Ku xigeenka galmudug oo Caawa Shir Gudoomiyaja Shirka Golaha Wasiirada Galmudug oo cadaado ka dhacay (Sawiro)
Next articleXaaska Madaxweynihii Hore ee Dalka oo Nairobi ku geeriyootay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here