Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Galmudug Mohamed Dahir Guled ayaa ku wareejiyey document-yada 45 Xildhibaan ee laga soo doortay Galmudug oo kala ah 37-da kursi ee golaha shacabka iyo 8-da kursi ee aqalka sare oo dhamaystiran Guddiga Doorashada heer Federaal (FEIT) oo uu wakiil ka yahay Mr Mohamed Aadan Cismaan.
sidoo kale waxaa wareejinta goobjoog ka ahaa Cabdicasiis Cabdirahman Yuusuf oo xubnaha Galmudug FEIT wakiilka uga ahaa kamid ah.
Gudoomiye ku xigeenka SEIT Galmudug Saacid Aadan Jaamac, xoghayaha Maaliyadda SEIT Galmudug Yahye Cismaan Geedi iyo Ayaan Cabdirahman Maxamuud oo wakiil ka ah Guddiga Xalinta Khilaafaadka.
Ad