Home Wararka Maanta Dhegayso Qasaare ka dhashay Hoobiyaal ku dhacay Degmada Wadajir

Dhegayso Qasaare ka dhashay Hoobiyaal ku dhacay Degmada Wadajir

0

Hoobiyeyaasha oo jugtooda laga maqay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa waxaa ay ku dhaceen Xaafadaha Obasiibka ah oo u dhow Xerada Xalane oo ka tirsan degmada wadajir ee Gobolkan Banaadir gaar ahaan laanta Gabiyow, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

Dadka degaanka ayaa waxaa ay ku warameen in ilaa 4 Hoobiye ay soo dhaceen, isla markaana mid kamid ah hoobiyeyaasha uu ku dhacay Guri ay deganaayeen dad Shacab ah.

Mid kamid ah dadka Xaafadaha ay hoobiyeyaasha ku dhaceen ayaa sheegay in uu geeriyooday Walaalkiis oo lagu Magacaabi jiray Cumar Maxamed Amiin & Cunug uu dhalay halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 5 Ruux oo kale.

ka sokoow dhaawaca iyo dhimashada ay geysteen hoobiyeyaashii ku dhacay xaafado u dhow Xerada Xalane ayaa waxaa uu burbur xoogan soo gaaray Guryo jiingado ah oo uu hoobiyaha ku dhacay.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa tegay Xaafadaha ay hoobiyeyaasha ku dhaceen, waxaana dadka ku dhaawacmay la geeyay isbitaalada Magaalada Muqdisho si loogu daweeyo.

Xeeendaabka Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay degan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, waana markii labaad oo hoobiyeyaal lagu weeraro xerada Xalane inta ay muqdisho joogaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Dhowr jeer ayaa weeraro hoobiyeyaal ah waxaa lagu qaaday Garoonka diyaaradaha aadan-Cadde iyo Xerada Xalane, waxaana mas’uuliyada weerardaas sheegta Al-Shabaab, iyada oo dadka ugu badan ee ku waxyeelooba ay yihiin Shacab.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleShirkii u dhaxeeyay Madaxda Dowladda iyo Maamul Gobaleedyada qaar oo wili Muqdisho ka soconaya
Next articleMadaxweyne ku xigeenka Galmudug oo gaaray Cadaado (SAWIRO)