Bekim Zekri waa askari Mareykan ah oo dalka Ukraine u yimid inuu si mutadawacnimo ah ugu dagaallamo Ciidamada dalka Ukraine.
“Runtii waan soo fuddudaaday meeshu sidii aan moodayay maaha waa halis aan caadi ahayn”
Askarigaan oo u waramay majaladda The Wall Street Journal, ayaa yiri waxaan maqlay in guutooyin ciidamo ruush ah ay duullaan ku soo yihiin aaggii aan ka dagaalamayay, runtii waan Argagixay, hubkii aan filayay ee horumarsanana ma aanaan helin anigu markaas waan niyad-jabay, waxaan hadda doonaya inaan dib ugu laabto dalkaygii Mareykanka, sidoo kale waxaan u xiisay dhagaysiga heesihii Rap-ka.
Bekim Zekri iyo ciidamo kale oo u dhashay dalalka Mareykanka iyo Yurub ayaa isaga noqday dalka Ukraine iyagoo ka baxay xuduuda dalka Poland.
Ad