Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Doorasho adag oo Caawa ka Dhacday Magaalada Baladweyne iyo Mucaaradka oo ku...

Doorasho adag oo Caawa ka Dhacday Magaalada Baladweyne iyo Mucaaradka oo ku Guulaystay

0

Magaalada Beledweyne ayaa lagu qabtay caawa doorashadii u horeysay kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Beledweyne.

Shan Musharax ayaa ku tartamaysay kursiga #HOP004 , waana kursigii labaad oo tartankiisa furnaa ee doorashadiisu ka dhacdo Beledweyne, kursigan waxaa horay ugu fadhiyay Xildhibaan Maxamed Xasan Qoone.

Wareeggii labaad ee doorashada ayaa waxaa ku guuleystey Cabdinaasir Xaaji Shirwac Maxamed oo helay codad gaaraya 61-cod halka musharaxii la tartamaysay ee Marwo Bilan Bile Maxamed ay heshay 40-cod.

Wax codod ah oo halaabay ma jiraaan. Wadarta guud soo xaadirtay Ergada waa 101 qof.

Doorashadii ka qabsoontay beledweyne oo ay ku tartamayeen ilaa 5 murashax ayaa waxaa Wareegii 2aad u gudbay marwo Bilan Bile oo heshay 35 iyo Cabdinaasir Shirwac oo helay 39 cod halka ay ku hareen wareegaas musharaxiintii kale ee kala ahaa Cabdi Dahir Cismaan, Faarax salaad dharaar iyo Maxamed Maxamuud Cabdulle.

Waa kursigii u horreeyay ee tartankiisa furan yahay oo wareeg labaad la aado, waxaana Beledweyne noqoneysaa magaaladii labaad ee xarumaha deegaan doorashada labaad ee Dowlad Goboleedyada oo si furan lagu tartamo, iyadoo Gaalkacyo aheyd magaaladii koowaad ee tartan doorasho furan ay ka dhacdo.

Ad
Previous articleWaa Imisa Xildhibaanada ka harsan dhameystirka doorashada Golaha Shacabka
Next articleTrump: Hadaan Madaxweyne ahaan lahaa Moosko kuma dhacdeen iney dagaal gasho”