Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa kumaandooska Gorgor ayaa gacanta ku dhigay saddex nin oo dhallinyaro ah oo ciidamada sheegeen in ay katirsan yihiin dagaalyahanada Al Shabaab.
Saraakiisha ciidamada Gorgor ayaa sheegay in howlgalkan ay ku qabteen xubnahan katirsan Al Shabaab ka fuliyeen deegaanka Bariire iyo duleedkeeda, waxaana xubnahan sheegeen in ay kusoo qabteen xog ay heleen.
Saddexdan nin ay soo bandhigeen ciidamada Gorgor ayaa magacyadooda lagu sheegay Cabdifataax Maxamed oo qaabilsanaa sameynta qaraxyada,Cusmaan Cumar oo qaabilsanaa dhanka sahanka iyo Aadan Macalin Siraaj oo isna qaabilsanaa aruurinta zakada.
Saraakiisha ciidamada Gorgor ee soo bandhigay xubnahan ay qabteen ayaa sheegay in ay ku socdaan baaritaano la xariira kiisaska loo heesto, waxa ayna cadeeyeen in cadaaladda la horgeyn doono .
Ciidamada Gorgor ayaa marar badan soo bandhigay dhallinyaro ay howlgalo ku qabteen ,kuwaa oo ay sheegeen in ay katirsan yihiin Al Shabaab, dhallinyaradaas qaarkood ayaana la siidayay markii lagu waayay tuhunkii loo xiray.