Home Wararka Caalamka Wadahadal ugu Furmay Dalka Turkiga Ruushka iyo Ukrain

Wadahadal ugu Furmay Dalka Turkiga Ruushka iyo Ukrain

0

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu ayaa shaaciyey inay dhigiisa Raashiya iyo Ukraine ay Kulan toos ah ku yeelan doonaan magaallada loo Dalxiis tago  Antalya ee Koonfurta Turkiga.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaalka Turkiga ee dhexdhexaadinta labadaasi dal waxaana uu qabsoomi doona Maalinta Khamiista ee soo socota.

Mevlüt Çavuşoğlu waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu Suxufiyiinta Maanta kula kulmay Caasimadda dalkiisa ee Ankara, wuxuuna xusay in Labada Wasiir Arrimo Dibadeed ee Raashiya iyo Ukraine isku doc arki doonaan Madasha Diplomaasiyadda ee  Antalya Diplomacy Forum.

Shir Doceedkaas waxa uu ahaan doonaa Shir Saddex Geesood ah oo u dhexeeya wasiirada arrimaha dibeda ee Turkiga,  Raashiya iyo Ukraine.

Shalay ayey ahayd, markii uu Madaxweyne Erdogan khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa Raashiya, Vladimir Putin, iyaga oo ka wada hadlay Xal u helista Colaadda ay Milliteriga Raashiya ka wadaan gudaha dalka Ukraine.

Ad
Previous articleKhilaaf xoogan oo Soo kala Dhexgalay Dabageed iyo Cali Guudlaawe
Next articleHirshabeele oo Caawa Shaacisay odayaaasha soo Xulaaya ergada Dooranaysa 3 kursi