Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliyaoo Shaacisay Wadamada ay Tagi Karaan Soomalida Dagaalka Ukrain Ka Carartay

Dowlada Soomaaliyaoo Shaacisay Wadamada ay Tagi Karaan Soomalida Dagaalka Ukrain Ka Carartay

0

Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay kaga hadashay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dalka Ukraine iyo kuwa dalkaasi ka baxsaday ee ku dhibaateesan xadka Ukraine la wadaagto waddamo ay ku jirto Poland.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu wargeliyay muwaadiniinta Soomaaliyeed ku sugan dalka Ukraine in dalalka deriska ah sida Poland, Slovakia, Hungary, Moldova, Romania ay u xaqiijiyeen dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in la siin doono si nabad ah, isla markaana loo diyaar garoobay sidii loola tacaali lahaa qulqulka dadka oo ka soo qaxay Ukraine.

”Safaaradaha aan ku leenahay Brussels iyo Berlin ayaa weli xiriir joogto ah la leh 280 qof oo Soomaali ah. Waxaa nalagu wargeliyay muwaadiniin Soomaaliyeed oo si nabad ah ku gaaray Poland, kuwa ku sii jeeda Poland iyo kuwa kale oo aan awoodin inay ka gudbaan xuduudaha Medyka-Shehyni iyo Budomierz-Hrushiv.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in Safaaradaha Soomaaliya ku leedahay Brussels iyo Berlin in ay wax badan ka qabteen badbaadinta iyo la socodka Soomaalida ku go’doonsan Ukraine , waxa ayna wasaaradda ka codsatay  dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan haysan waraaqaha aqoonsiga inay la xiriiraan safaaradaha Brussels iyo Berlin.

”Waxaan ku boorineynaa wadamada deriska ah inay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo inay siiyaan marin aan xannibnayn dhammaan Afrikaanka ka soo gudbaya xadka Ukraine. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wakiilo rasmi ah u diri doonta muwaadiniinta Soomaaliyeed si ay u helaan kaararka aqoonsiga ee saxda ah si ay uga gudbaan xuduudaha” aya alagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka baxsaday colaada dalka Ukraine ayaa ku dhibaateesan xuduuda dalkaasi la wadaago Poland iyo waddamo kale, waxa ayna muwaadiniinta Soomaaliyeed isku dayayaan in ay helaan meel ammaan ah oo ay kunoolaadaan.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleDuqaymo Culus oo maantay Ku Socda Magaalada Kyif ee Caasimada Ukrain
Next articleMid ka mid ah Mucaaradka Dowlada oo Goordhow Xildhibaan loo Doortay