Home Wararka Maanta Raysulwasaare Rooble oo Midowga Yurub kala Hadlay Dagaalka Ukrain iyo Arimo kale(Sawiro)

Raysulwasaare Rooble oo Midowga Yurub kala Hadlay Dagaalka Ukrain iyo Arimo kale(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann oo ay ka wada hadleen qodobbo dhowr ah ku saabsan doorashooyinka, amniga iyo abaaraha ka jira dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in howsha doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ay mareyso heer gebogebo ah, uuna filayo in ay ku soo dhammaato xilliga loo asteeyay ee 15ka March, taas oo ay xigi doonto doorashada Guddoonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Kulanka ayaa sidoo kale la iskula soo qaaday taageerada Midowga Yurub ka geysanayaan gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay, iyadoo safiirku sheegtay in Midowga Yurub ay 41 Milyan oo dollar u qoondeeyeen gurmadka abaaraha ka jira dalka, ayna taageerayaan dadaallada Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka ka yahay ee socda.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda colaadeed ee ka dhalatay dagaalka Ruushku ku qaaday Ukraine iyo saameynta ay ku yeelan karto Yurub iyo guud ahaan dunida.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay xaaladdaas colaadeed, isagoo ku baaqay in wada hadal lagu dhammeeyo colaadda taagan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleGudiga Doorashooyinka heer Federal ee FIET oo Cod u Qadaaya kursigii uu kusoo Baxay Fahad yaasiin
Next articleRuushka oo wadahadal la Furay UKrain kadib Dagaal Natiijo la,aan ah oo uu ku Qaaday Dalkaas