Home Wararka Maanta Gudiga Doorashooyinka heer Federal ee FIET oo Cod u Qadaaya kursigii uu...

Gudiga Doorashooyinka heer Federal ee FIET oo Cod u Qadaaya kursigii uu kusoo Baxay Fahad yaasiin

0

5 Xubnood oo ka tirsan Guddiga Heer Federaal FEIT ayuu Gudoomiyaha FEIT u magcaabay in ay kasoo talo bixiyaan kursiga HOP#086 oo uu kusoo baxay Fahad Yaasiin, waxaana berrito ay hordhigi doonaan xubnaha Guddiga Heer Federal ee FEIT go’aanka kursigaas si xubnaha FEIT oo ka kooban 25 cod ugu qaadaan go’aankan.

Sida ay cadeynayaan macluumaadka, guddigan in lasameeyo si weyn ayay uga soo horjeeden dhinaca RW Rooble, balse Gudoomiyaha guddiga ayaa lakulmay cadaadis ah in codka kalsoonida isaga loo qaadi doono, kaas oo ugu dambeyn ku qabsay in uu talaabadan qaado.

Xubnaha guddigan ayaa kala ah.
1- Yuusuf Maxamed Khayre, oo ka yimi Koonfur Galbeed
2. Liiban Shuluq- oo ka yimi Galmudug
3. Cali mataan- oo ka yimi Koonfur Galbeed
4. Abdishakuur, oo ka yimi Somaliland
5. Abdiwali oo ka yimi Puntland

Ad
Previous articleWasiirka Armaha Dibada Dalka Briten Oo Si kulul uga Hadashay Dagaalka Ukrain
Next articleRaysulwasaare Rooble oo Midowga Yurub kala Hadlay Dagaalka Ukrain iyo Arimo kale(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here