Home Wararka Caalamka Deg deg: Turkiga oo Dhabarka Ka Jabiyay Howlgalkii Ruushku ka waday Ukrain

Deg deg: Turkiga oo Dhabarka Ka Jabiyay Howlgalkii Ruushku ka waday Ukrain

0

Dowlada Turkiga ayaa si rasmi ah u xirtay Biyaha Badda Madow kadib markii Maraakiibta dagaal ee Ruushka damceen inay dhankaas ka soo weeraraan Ukrain.

Hogaaamiyaha Turkiga Reccep Dayyip Erdogan ayaa la sheegay inuu amar ka bixiyey xiritaanka marinada laga galo Badda Madow, iyadoo talaabadan ay fududeyn karto qeyb ka mid ah culeyska milateri ee saaran dalka Ukrine

Madaxweynaha Ukraine ayaa goor dhow u mahadceliyay Madaxweyne Erdogan kadib xiritaankii Biyaha Badda Madow.

Xiisadda ka dhex aloosan Ukraine iyo Turkiga ayaa saameyn toos ah ku yeelatay Turkiga oo xiriir wanaagsan la leh labada waddan.

Turkiga oo xiriir ganacsi iyo difaac ba la leh Ruushka ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo, oo wadahadal lagu dhameeyo tabashada labada dhinac.

Dalalka Galbeedka ayaa intooda badan shaaciyay cunaqateyn ka dhan ah Moscow, kadib markii uu Ruushka aqoonsaday madax bannaanida laba gobol oo ka tirsan Ukraine.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa si la mid ah dalalka reer Galbeedka cambaareysay weerarka Ruushka “Waa xadgudub cad oo lagu sameeyay madax bannaanida iyo midnimada Ukraine. Waxaan u aragnaa go’aanka Ruushka mid aan la aqbali karin, waana qaadacnay,” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Maantay Saxiixay 10 Sharci(Sawiro)
Next articleQaar ka mid ah Magacyada Madaxda Soomaalida ee Maraykanku Xayiraada Kusoo Rogay(Aqriso)