Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa lagu caddeeyay in heshiiska uu Wasiirka Batroolka saxiixay ee la xariirta arrimaha shidaalka uu yahay mid baal marsan sharciga dalka, isla markaana uu Ra’iisul Wasaaruhu qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
“Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah sidaas darteed waxba kama jiraan”. ayaa lagu yiri qoraalka.
Ra’iisul Wasaraha ayaa qaadi doonaa talaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed.
Wasiirka batroolka Somalia ayaa qoraal uu soo dhigay bogga Twitterka waxaa uu ku shaaciyey heshiiskaas oo uu sheegay inuu la ogaa Madaxweyne Farmaajo.
“Waxaan ku faraxsanahay in aan iclaamiyo inaan saxiixnay Heshiis Wax soo saar Wadaag 7 xirmood oo aan la galnay shirkadda COASTLINE EXPLORATION LTD. Waa guul usoo hoyatay Ummada Soomaaliyeed. Waxaan u mahad celinayaa Madaxweyaha JFS oo igu garab siiyey iguna tirtirsiiyey dhammaystirka hawshan” ayuu ku yiri wasiirka qoraalkiisa.