Home Wararka Maanta Wasiir Dubbe oo Kulan Xasaasi ah La Qaatay Safiirka Shiinaha U Fadhiya...

Wasiir Dubbe oo Kulan Xasaasi ah La Qaatay Safiirka Shiinaha U Fadhiya Soomaaliya

0

Kulanka Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cusmaan Abokar Dubbe iyo Safiirka Dowladda China FEI Shengchao oo ka dhacay xarunta Safaaradda waxaa ay uga wada hadleen horumarinta mashaariicda Shiinaha ka fulinayo Soomaaliya.

Wasiir Dubbe ayaa safiirka uga mahad celiyay mashaariicda horumarineed ee Dowladiisu ka wado Soomaaliya gaar ahaa mashiiriic ay ku taageero Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska sida qalabeynta iyo horumarinta dhismaha Tiyaatarka iyo Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale Safiirka uga mahad celiyay kaalinta Dowladda China ee dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya, sidaas oo kalana Soomaaliya u taagan tahay ilaalinta Midnimada iyo wadajirka dadka iyo Dowladda China lagama maarmaanna ay tahay xoojinta arrintaasi.

Safiirka Dowladda China FEI Shengchao ayaa Wasiirka Warfaafinta ugu mahad celiyay kulanka iyo booqashada waxaana uu balan qaaday in ay xoojinayaan mashaariicda horumarinta Dhaqanka iyo Warbaahinta.

Waxaa uu sheegay Safiirka in labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo ku dhisan iskaashi, islamarkaana dowladiisu taageerayso horumarinta dhismaha dowladnimada.

Wasiir Dubbe oo ka mid ah Guddiga Abaaraha, waxaa uu sidoo kale Safiirka kala hadlay in dowladda China gacan ka gaysato gurmadka abaaraha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa abaaraha soo noq noqday ee Soomaaliya, sida in loo sameeyo waro iyo ceelal lagaga hortago biyo la’aanta

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleOdayaasha Soo Xulaaya Ergada Soo Dooranaysa Kuraiga Fahad yasiin oo la Shaaciyay
Next articleDeg Deg: Galmudug oo shaacisay 11 kii kursi ee Taalay Gaalkacyo