Home Wararka Maanta Raysulwasaare Rooble oo Arimo Muhiim ah Kala Hadlay Mudane Axmed Bin Muxamed...

Raysulwasaare Rooble oo Arimo Muhiim ah Kala Hadlay Mudane Axmed Bin Muxamed Saalix Almuwalad.

0
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Bin Muxamed Saalix Almuwalad.
Rooble iyo sagiirka cusub ee Sacuudiga u jooga magaalada Muqdisho ayaa kulankooda waxa kaga wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.
 
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjire Muwalad, ayaa ka wada hadlay xaaladda abaarta ka jirta Soomaaliya iyo sidii dowladda Sacuudigu uga qeyb qaadan lahayd gurmad lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa wada dedaalo dowladaha Carbeed iyo kuwa xiriirka dhaw la leh Soomaaliya uga dalbaneyso in ay gacan ka geestaan xaalada abaareed ee Soomaaliya ka jirta iyo sidii ay gar gaar usoo gaarsiin lahaayeen dadka u baahan.
Ad
Previous articleDeg deg madaafiic Lagu Garaacay Magaalada Baraawe Xili Doorasho Ka socoto iyo Qasaaro Ka Dhashay Madaafiicdaas
Next articleWasiirka Arimaha Dibada Soomaaliland oo kulan laqaataty Madaxwaynaha Dalka Taywan (Sawiro)