Home Wararka Somaliya Dowladda Kenya oo shaacisay in Kiiska Badda ay u gudbin Doonto Golaha...

Dowladda Kenya oo shaacisay in Kiiska Badda ay u gudbin Doonto Golaha Amaanka

0

Dowladda Kenya ayaa go’aan ku gaartay in arrinta Kiiska Badda ay u gudbin doonaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, iyadoo shalay Maxkamadda ICJ ay bilowday dhageysiga dacwada badda, xilli ay Kenya isaga baxday maxkamadda oo aanay soo xaadirin fadhigii shalay doodooda looga dhageystay Ergadii matalayay Soomaaliya.

Warbaahinta Kenya ayaa saaka qoraya in dowladda Kenya oo xubin ka ah Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ay arrinta kiiskaas u gudbin doonaan Golaha.

Qorshahan ayay Kenya ka damacsan tahay inay sii dheereyso doodda muranka badda oo la filayo in Maxkamadda ICJ ay ugu dambeyn bilaha soo socda xukun ku dhawaaqdo.

Tallaabadan ayaa u muuqata inay Kenya ku jirto xaalad quus ah, oo marba ay gidaarada garaaceyso, maadaama ay ka soo xirantay dhammaan albaabada, isla markaana wadada guuldarada ay ku socoto.

Xeer beegtida Maxkamadda ICJ ayaa shalay diiday codsi ka yimid Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kenya Kihara Kariuki oo doonayay in muddo shan daqiiqo la siiyo, si ay u soo bandhigaan sababaha ay u qaadaceen dhageysiga maxkamadda.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo Muqdisho soo gaaray (SAWIRO)
Next articleMadaxweyne farmaajo oo qaatay Talaalka Covid19

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here