Home Wararka Maanta Dilka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Alshabaab oo Sheegtay

Dilka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Alshabaab oo Sheegtay

0

Qof rayid ah ayaa lagu diley xaafada Carafaad ee degmada yaaqshiid magaalada Muqdisho kadib markii koox bastoolado ku hubeysan ay weerareen xilli uu marayay meel ku dhow gurigiisa.

 

War ka soo baxay Alshabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyada dilka qofka rayidka ah oo ay ku tilmaameen inuu kamid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaanadda cusub ee Golaha Shacabka gaar ahaan Xildhibaanada Gobollada Waqooyi-Somaliland.

Alshabaab ayaa waxa ay sheegeen in qofka ay dileen la oran jirey Xuseen Ciidgale ayna sidoo kale dili doonaan ergada soo dooratay xildhibaanada cusub ee golaha shacabka.

Dagaalmayaasha Al-shabaab ayaa hore uga digay Ergada iyo Odayaasha wax dooranayo iyagoo sheegay in ay bartilmaameedsan doonaan.

 

Ad
Previous articleErgada Dooranaysa kursiga HOP025 oo Gaaray Magaalada Dhuusamareb Soo Dhawayna Loo Sameeyey
Next articleGanacsade Soomaaliyeed oo Lagu Dilay Magaalada Nairobi