Home Wararka Maanta Ganacsade Soomaaliyeed oo Lagu Dilay Magaalada Nairobi

Ganacsade Soomaaliyeed oo Lagu Dilay Magaalada Nairobi

0

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa sheegaya in kooxo burcad hubeesan xalay halkaasi ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo dalkaasi deganaa.

Burcada hubeesan ayaa la sheegay in saddex xabbadood ku dhufteen muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Xasan Maxamed Nuur oo ku geeriyooday goobta burcada ku toogteen oo aheyd xaafadda Pumwani ee degmada Kamkunji.

Ciidamada booliiska dalka Kenya oo gaaray goobta dilku ka dhacay ayaa ku guul dareestay in ay soo qabtaan burcada dilka geesatay, waxaana goobjoogayaal sheegeen in burcada ku baxsadeen mooto ay wateen.

Saraakiil katirsan Booliska Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in ay wadaan baaritaano dheeri ah oo ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Kooxda Burcadda aheyd ee ka dambeeyay falkaasi dilka ah.

Ad
Previous articleDilka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Alshabaab oo Sheegtay
Next articleMilkiilaha Facebook uu ku Hanjabay inuu Wadama Badan Facebook Ka Xiri Doono

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here