Home Wararka Maanta Banaanbax Ka Dhan ah Mahdi Gulleed oo laga Abaabulaayo Magaalada Muqdisho

Banaanbax Ka Dhan ah Mahdi Gulleed oo laga Abaabulaayo Magaalada Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda abaabulka banaan bax ka dhan ah Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed, waxaana banaan baxa dhigaya oo abaabulkiisa wada dad kasoo jeeda Somaliland oo degan Muqdisho.

Dadka abaabulaya banaan baxa ayaa sheegay in ay uga soo horjeedaan faragelinta qaawan uu doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee gobolada Waqooyi ku hayo Ra’isul wasaare kuxigeenka dalka.

Guddoomiyaha Dallada Midnimo , Sakariye Nuur Saajin, oo banaan baxa abaabulaya ayaa sheegay in Mahdi Guuleed uu kahor taagan yahay xuquuqda ay ku leeyihiin Dowladda Federaalka si ay u helaan, sidoo kale uu faragelin ku hayo Doorashada Gobollada Waqooyi.

Dallada abaabuleysa banaan baxa ka dhanka ah Mahdi Guuleed ayaa warqad fasax ah ay ku dalbanayaan in banaan baxa qabsadaan waxa ay u direen wasaaradda amniga gudaha oo laga sugayo in ay fasaxdo banaan baxan ama joojiso.

‘’Banaanbaxa aan dalbanay waxa aan uga soo hor jeednaa Raysul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed oo u adeegaya ninka 1-sano iska fadhiya Villa Soomaaliya sharciyad la’aanta, mana jirto cid naga hor istaagi karta waayo waxa aan fasax ka heysanaa Wasaaradda Amniga oo aan ku wargelinayay in dibadbaxeenu uu yahay mid nabadeed oo aan ku muujineyno xuquuqdeena & Dareenkeena’’ ayuu yiri Sakariye Saajin .

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed oo doorasho muran badan dhalisay kusoo baxay kagana mid noqday golaha shacabka ayaa hada saameyn badan ku leh xubnaha ku matalaya golaha shacabka ee gobolada Waqooyi.

ò

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous article15 Janaayo oo Ku Beegan Maantay ayaa Lafilayaa in jadwalka Doorashada 241 Toos u Dhaqan Galo Taas oo ay Ku Heshiiyeen Golaha Wadarashi Qaran
Next articleDowlada Kenya oo Xusaysa Weerar Alshabaab Nairobi ka Gaysteen Xili Ciidamada Keenya Heegan lagaliyay