Maamulka degmada Wisil ee Gobolka Mudug ayaa olole Nadaafeed ka sameeyey magaalada Wisil, taas oo ay ka qeyb qaateen Maamulka, dhalinyarada iyo bulshada magaaladaasi.
Ololahaan ayaa socon doona muddo saddex beri ah, iyadoo Maamulka degmadu uga gollee yihiin Hagaajinta Bilicda magaaladaasi.
Magaalada Wisil oo ah degmo istiraatiji ah ayaa kol hore waxaa ka dhacay weerar ay kooxaha Nabad-diidka ah ku soo qaadeen. Waxayna muddo ka dib wisil ay la tartamaysaa magaalooyinka dhiggeeda ah. Iyadoo ay dhib ugu laabteen dhamaan bulshadii magaaladaasi, isla markaana ay shaqeynayaan dhamaan adeegyada bulshadda.
Ad