Home Ciyaaraha Maanta Booliska Stockholm oo caawinaya Qoysaska Nawaaxiga järva Si Caruurta looga badbaadiyo Kooxaha...

Booliska Stockholm oo caawinaya Qoysaska Nawaaxiga järva Si Caruurta looga badbaadiyo Kooxaha Gangiska

0

Kadib toogashadii dhiigga badan ku daatay ee ay ka fuliyeen burcadda aagga Järva ee gobolka Stockholm, xagaagii la soo dhaafay, inta u dhexeysa 10 ilaa 20 qoys ayaa ka helay booliiska iyo adeegga bulshada caawimaad ay uga guuraan aaggaas, iyadoo ujeedadu tahay in la ilaaliyo carruurta iyo sidoo kale joojinta dariiqa dembiyeed ee carruurta qaar.Kuwa ku lugta leh kooxaha gaangiska.

Xagaagii la soo dhaafay, waxaa dhacay seddex dil labo bilood gudahood – tan iyo waqtigaas, toogasho badan ayaa lala xiriiriyay isku dhaca u dhexeeya kooxaha gaangiska ah ee xaafadaha Rinkeby, Husby iyo Tenista.

Sida ay booliisku sheegeen, in badan oo ka mid ah dadka ku lugta leh ayaa ah dhalinyaro, ka yar 18 sano, qoysas badanna waxay ka baqayaan in wiilkoodu noqdo kan la dilayo marka xigta, ama la dili doono.

Saldhigga cusub ee booliska ee ku yaal Rinkeby, booliska iyo adeegga bulshada ayaa si dhow uga wada shaqeynaya sidii loo jabin lahaa isbeddellada iyo taageerada qoysaska.

Taliyaha Booliska Stephan Kiernan ayaa sheegay in qoysaska qaar ay kaxeysteen caruurtooda oo ay ula safreen dibada, qaarna ay heleen caawinaad ay ugu guuraan deegaano kale.

Wuxuu ku tilmaamay natiijada mid aad u wanaagsan. Laakiin waxaan u maleynayaa inay sidoo kale tahay wax cabsi leh inay jiraan qoysas aad u tiro badan, oo weli haysta dhalinyaro u baahan inay isbedel noocaas ah ku sameeyaan noloshooda.

“Maxaad sameyn laheyd waalid ahaan hadii 17-jirkaaga uu ka mid yahay koox dambiilayaal ah booliiskuna ay rumeysan yihiin inuu awood u leeyahay inuu dilo ama uu ahaado dhibane dil?” Ayuu yiri. Waa xaalad aad u xun mararka qaarna ma jiraan wax lagu beddelo, ayuu yidhi.

Booliska Iswiidhan ayaa bilaabay hawlgal amni oo loogu magac daray Operation Portia, kaasoo bilaabmay kadib markii ay kordheen tirada dilalka xagaagan.

Ujeedada Howlgalka Portia wuxuu ahaa in la isku dayo in la jebiyo meertada rabshadaha .. Inta u dhaxeysa 50 ilaa 100 qof ayaa lagu kormeeray deegaanka fal dambiyeedka, waxaana la aqoonsaday dhalinyaro dambiilayaal burcad ah oo u baahan waxqabad deg deg ah

Taliyaha Booliska ayaa yiri, “Waxaan awoodnay inaan kala saarno dhalinyarada ka mid ah kuwa halista ku jira, dhalinyarada wadada ugu jirta inay galaan dambiyo aad u culus, iyo dhalinyarada qarka u saaran inay galaan dambiyo culus oo rabshado wata, waxaanna macluumaadkaas ugu gudbineynaa adeegyada bulshada qaab ahaan warbixinnada. “

Da’da carruurta yar yar, ee la aqoonsaday, waxay u dhexeeyaan 14-15 sano. Mararka qaarkoodna waxaa kaloo jiray carruur yaryar.

Taliyaha booliska Stephan Kiernan ayaa tixgaliyay in si loo joojiyo askareynta caruurta ee kooxaha gaangiska ah, booliska waa inuu lashaqeeyaa iskuulada, adeega bulshada iyo dowlada hoose.

In kasta oo dadaallada la sameeyay, Gobolka Stockholm wuxuu jabiyay rikoor ku saabsan tirada toogashada sanadkii la soo dhaafay iyada oo 156 dhacdo.

Sannadkan gudihiisa, Stockholm waxaa ka dhacay 13 dhacdo oo toogasho ah.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleDowlada Somaliya oo ku Celisay in ay diyaar u yihiin Wada-hadalka Mucaaradka
Next articleInta ay uurka ku jirtay Ayay qaaday Coronavirus Gabar yar oo Sweden ku dhalatay