Home Wararka Somaliya Ku Dhawaad 11 qof oo ku geeriyootay Diyaarad ku burburtay Turkiga

Ku Dhawaad 11 qof oo ku geeriyootay Diyaarad ku burburtay Turkiga

0

Diyaarad Helikopter oo ay Milliteriga dalkaasi lahaayeen ayaa ku burburtay meel ku dhow Tuulladda Cekmece oo u dhow Degmadda Tatvan ee Gobalka Bitlis ee K/bari ee dalkaasi.

Diyaarada  burburtay oo nooceedu ahaa The Cougar waxaa la sheegay inay 11 Askari ku geeriyoodeen, halka 2 kalena ku dhaawacmeen, sida lag sheegay Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Turkiga.

9 ka mid ah Dhibanayaasha waxay ku geeriyoodeen isla goobta ay Diyaaradda ku burburtay, halka ay 2 kalena dhaawacooda ugu geeriyoodeen Isbitaalka.

Saraakiisha ku geeriyootay shilkaasi waxaa ka mid ah Sareeye Guuto Osman Erbas oo ah Taiye Ciiddan.

Diyaaradda burburtay waxay ku sii jeeday Degmadda Tatvan oo u dhow Gobalka Bingol, markii ay Maamulayaasha waayeen xiriirkii ay Diyaaradda la lahaayeen.

Dhinaca kale, Warbaahinta Turkiga waxay sheegtay in Wasiirka Difaaca, Hulusi Akbar iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Suleyman Soylu iyo Saraakiil sarsare oo Milliteri u socdaaleen goobta ay Diyaaradda Helikopterka ku burburtay.

Madaxweyne Rajeb Dayib Erdogan waxa uu Ilaahay uga baryey inuu u naxariisto Askartii ku shahiiday shilkaasi, wuxuuna u tacsideeyey Qoysaskooda, Qaranka Turkiga iyo Ciiddanka Turkiga.

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga NATO, Jens Stolenberg waxa uu khadka Telefoonka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu, isagoo uga tacsideeyey shilkaasi, wuxuuna u muujiyey inay Isbahaysiga garab taagan yihiin Turkiga.

Ad
Previous articleMidowga Musharaxiinta oo soo bandhigay Afartii qodob ee ay hordhigeen Ra’iisul wasaare Rooble
Next articleQM oo weydiisatay Ethiopia inay ogolaato kormeerayaal yimaada gobolka Tigray