Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa ka digay in haddii maalmaha soo socda aysan da’in wax roobab ah ay qarka u saaranyihiin dadka deegaannada abaaruhu ka jiraan inay gaajo iyo harraad u dhintaan.
Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo ka mid ahaa masuuliyiin ka Tirsan Galmudug oo gaaray qeybo ka mid ah Deegaano ka tirsan Mudug ayaa sheegay in xaalado halis ah ay ka jiraan Deegaano ka tirsan Galmudug.
Falagle ayaa yiri ” xaalad adag ayaa ka jirta Deegaano dhowr ah, waxaana dadkaan ay wajahayaan Biya la’aan baahsan waxaana sameenaynaa Biya dhaamin balse dadka jaaliyadaha ayaan ka sugaynaa jawaab dadkaasi loogu gurmado.
Deegaanada ay ka jiraan abaaraha xoogan ayaa waxaa ka mid ah Gobalka Mudug waxaana galmudug ay sheegtay in dad badan ay geeriyoodeen