Home Wararka Maanta Dhageyso Xukumada Somaliya oo ka hadashay Xukunkii lagu riday Saraakiil iyo Askar...

Dhageyso Xukumada Somaliya oo ka hadashay Xukunkii lagu riday Saraakiil iyo Askar ka Tirsan AMISOM

0

Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Maxamed jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay Xukunkii shalay lagu riday Askar iyo Saraakiil ka Titsan AMISOM

Wasiir jaamac oo qeyb ka ahaa Guddi dhawaan uu Magacaabay Ra’isul wasaare rooble una magacaabay Dadkii shacabka ahaa ee AMISOM ku xasuuqeen Golweyn oo ka tirsan Sh/Hoose ayaa soo dhaweeyay Xukunka kala duwan ee lagu riday Saraakiisha iyo askarta AMISOM ka tirsan.

waxuu sheegay in Tilaabadaan xukunka ah ay tahay Mid ugub ah islamarkaana u baahan in shacabka soomaaliyeed ay ku qancaan xukunka.

Sidoo kale Wasiirka cadaaladda Soomaalia ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay la wadaagi doonaan halka ay ka dhacayso Xukunka Toogashada ah ee lagu fulinayo Saraakiisha AMISOM, ee xasuuqa gaystay

Halkaan ka dhagayso codka Wasiirka

Ad
Previous articleMareykanka oo Cunaqabateen ku soo rogay Eriterea
Next articleDeg Deg Musharaxii la Tartamayay Cabdi qeybdid oo Tanazulay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here