Home Wararka Somaliya Ra’isul Wasaare Rooble oo qaabilay Wasiirka Arimaha dibada Kenya {Sawiro}

Ra’isul Wasaare Rooble oo qaabilay Wasiirka Arimaha dibada Kenya {Sawiro}

0
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Kenya Raychelle Omamo,taas oo ay ka wada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata.
Labada Dal ee Kenya iyo Soomaaliya waa laba dal oo deris oo ay ka dhexeeyaan dano badan sida diblomaasiyadda,amniga iyo arrimaha dhaqaalaha.
Xukuumadda Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada.
Ad
Previous articleWasiirka Arimaha Dibadda Kenya iyo wefdi la socda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay
Next articleTaliyaha Ciidamada Boliiska Galmudug oo si weyn loogu soo Dhaweeyay Dhuusamareeb (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here