Home Wararka Somaliya Galmudug oo soo Bandhigtay Goobihii Alshabaab ay kala wareegeen {Sawiro}

Galmudug oo soo Bandhigtay Goobihii Alshabaab ay kala wareegeen {Sawiro}

0
Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa soo bandhigtay sawiro Muujinaya in ay la wareegeen deegaano dhowr ah oo Alshabaab ay in Mudda ah Maamulayeen.
Ciidamadaan Maanta la wareegay deegaano ka Tirsan Gobalka Mudug ayaa waxaa Horkacayay wasiirka Amniga Galmudug Axmed macalin fiqi.
Sawirada ayaa muujinyay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa galmudug ay aad ugu faraxsanaayeen La wareegida Goobahaan oo in Mudda ah shabaab ay Maamulayeen.
Qoraal ka soobaxay Wasaaradda Amniga DGS ayaa lagu yiri ” Ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug oo ku dabaaldagaya saldhigyadii argagixisada Shabaab lagala wareegay maantay.
Qoryo ka badan 20, qalabkii isgaarsiinta, raashin, dharkii dumarka ee argagixisadu isku qarin jireen, godadkii ay ku gabban jireen iyo maydkoodii ayay uga carareen, waxaana ku sii daba jira haraadigoodii ciidamada naftood hurayaasha ah.
Maantay ayay noo ahayd ciiddii adxada ee naga baaqatay mudadii lagu sugnaa dhufaysyada.
Ad
Previous articleSanetaradii ugu Horeysay oo Maanta lagu doortay Baydhabo
Next articleGalmudug iyo QM maxay ka wadahadleen Maanta ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here