Home Wararka Maanta Wasaaradda Amniga Galmudug oo shaacisay in Alshabaab Laga saaray Deegaano Dhowr ah

Wasaaradda Amniga Galmudug oo shaacisay in Alshabaab Laga saaray Deegaano Dhowr ah

0
Wasaarada amniga galmudug ayaa shaacisay in Ciidamada Amniga Galmudug iyo Kuwa dowladda Soomaaliya ay la wareegeen deegaan lagu Magacaabo Qeycad iyo deegaana kale.
Qoraal ka soobaxay Wasaaradda amniga galmudug ayaa u qornaa sidaan
“Ciidamada qaranka, kuwa Galmudug iyo naftood hurayaasha deegaanka ayaa si buuxda saakay uga fara maroojiyey kooxda Al Shabaab saldhigyadoodii maalmihii la soo dhaafay ay ku mintadayeen ee Bariga iyo koofurta tuulada Qaycad.
Qiyaastii 20 qori, raashin, qalab isgaarsiin iyo qalab kale oo ay daadiyeen Marka ay firxanayeen ayaa sidoo kale gacanta looga dhigay.
Kooxda fulayada ah ee Shabaab ee deegaanadan ka firxatay ayaa lagu soo waramayaa in dadka deegaanadan ay qoryaha ka uruursanayaan, loona soo dhiibayo maamulada iyo ciidamada huwanta ah.
Ad
Previous articleXog: Madaxweyne Qoor qoor oo Maanta ku dhawaaqa Liiska Musharaxiinta aqalka sare iyo xubna Muhiim ah oo liiska laga saarayo
Next articleMaxkamada ciiidamada qalabka sida ee Galmudug oo maanta u fadhiisatay gar-maqalka dacwad ciqaabeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here