Waxaa maanta ka bilowday Magalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Gurmad dhaqaale aruurin ah oo lagu taageeraayo Ciidamada naftood hurayaasha ah ee la dagaalamaaya Alshabaab
Abaabulka gurmadkaan ayaa waxaa hormuud ka ah Dhalinyarada,Maamulka Gobolka Mudug,saraakisha ciidanka iyo Maamulka Degmada Galkacyo
Dadka deeganka ayaa dhiirigalinaaya Abaabulka lagu taagerayo Ciidanka Ku sugan Jiida hore ee Dagaalka ee Gobalka Mudug Kuwaas oo La dagaalamaya Alshabaab
Qofkasta oo diida Taakuladda Ciidanka Waxaa La geynayaa Xabsiga ilaa inta uu Ka Ogalanayo Qaraanka Difaaca Degaanka ayaa Lagu yiri War ka soobaxay Maamulka Galkacyo
Ad