Home Wararka Maanta Qaramada Midoobey oo War naxdin leh ka qortay Caruur Somaliyeed oo Muddo...

Qaramada Midoobey oo War naxdin leh ka qortay Caruur Somaliyeed oo Muddo la raadinaayay Tababarna Loo qaaday

0
Warbixinta Ergeyga gaarka ah QM ee arrimaha xuquuqul insaanka ayaa looga hadlay wararka sheegaya ku lug lahaanshaha Ciidamada Eritrea dagaalka Tigray iyo in Ciidamo Soomaali lagu arkay Gobolka Tigray.
Warbixinta oo ka koobneyd illaa 17 bog ayaa lagu sheegay in Ergeyga gaarka uu helay macluumaad iyo warbixino sheegaya in askarta Soomaalida in laga raray xeryihii tababarka militariga ee Eritrea lana geeyay jiida hore ee dagaalka Tigreega, halkaas oo ay ku wehlinayeen ciidamada Eritrea markii ay ka gudbayeen Xadka Itoobiya
Sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in dagaalyahanno Soomaali ah ay joogeen agagaarka magaalada la yiraahdo Aksum ee Gobolka Tigray.
Warbixintaan ayaa ku soo aaday xilli Waalidiin farabadan ay in mudda ah la taahayaan Caruur ay dhaleen oo ay la’yihiin Halka ay gaysay Dowladda Soomaaliya ka dib markii Loo qaaday Tababar.
Ad
Previous articleDowlada Somaliya oo Ciidamo dheeri ah geysay Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb
Next articleRooble oo Magacaabay guddi ka shaqeeya Doorashada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here