Home Wararka Maanta Gudoomiye Cabdi xaashi iyo dhigiisa dalka Bakistaan oo kulan wada qaatay

Gudoomiye Cabdi xaashi iyo dhigiisa dalka Bakistaan oo kulan wada qaatay

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka MudaneĀ  Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa kulan khadka taleefoonka ah kula yeeshay dhigiisa dalka Pakistan Sadiq Sanjrani waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay kamid yihiin iskaashiga labada dal ee dhinacyada Baarlamaanka .

Gudoomiyaha aqalka sare ee dalka pakistan Sadiq Sanjrani ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay dhigiisa dalka Soomaaliya Cabdi Xaashi si uu u yimaado dalka pakistan loona xoojiyo xiriirka labada Baarlamaan, isaga oo sheegay in ay mudan tahay isdhaafsiga wufuud ka kala socota labada Baarlamaan si loo xoojiyo xiriirka labada Baarlamaan ee dalalka Soomaaliya iyo Pakistan.

Dhanka kale Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa aqbalay islamarahantaana soo dhaweeyay casuumaada uu u fidiyay dhigiisa dalka pakistan mr Sadiq Sanjrani, isaga ooĀ sheegay in ay muhiim tahay xoojinta xiriirka labada Baarlamaan
Iyadoo laga duulaayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo pakistan.

Kulankaan qadka taleefanka ah ee u dhaxeeyay labadaan masā€™uul ayaa daba socday kulan dhinacya badan taabanayay oo malinnimadii jimcaha ahayd ku dhaxmaray magaalada islamabad ee caasimada dalka pakistan Danjiraha safaarada jamhuuriyada Soomaaliya ee dalka pakistan marwa Khadiija Maxamed Al-maqzuumi iyo gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka pakistan mr Sadiq Sanjrani.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Raā€™iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleMaxay tahay ujeedka Xilka Looga qaaday Wasiirka Arimaga Gudaha Galmudug
Next articleSacuudiga oo xayiraadii socdaal ka qaaday 11 dal oo u badan reer galbeedka iyo Soomaaliya oo liiska cas kusii jirta