Maxay tahay ujeedka Xilka Looga qaaday Wasiirka Arimaga Gudaha Galmudug

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ahna kusimaha madaxweynaha Cali Daahir Ciid ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa waxaa xilkii looga qaaday Wasiirkii Arimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel).

Warqada ayaa sidoo kale lagu sheegay in sababta xilka looga qaaday Wasiirka ay tahay gudasha la’aan waajibaadkii shaqo iyo hurinta colaad beeleedyada deegaanada Galmudug.

Xil ka qaadistan Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Galmudug ayaa timid kadib markii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Waayeel uu magacaabay golaha deegaanka Degmada Balanbale.

Golaha Deegaanka Balanbal ayaa waxaa ka dhashay Buuq farabadan waxaana arintaasi ay sababtay xil ka qaadista wasiirka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*